Degmada dhahar ee Gobolka Hayland iyo Degmada Dangarayo ee Gobolka Nugaal.



Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland  ayaa kormeer ku tagay degmada dhahar ee gobolka Hayland, iyo Degmada Dangarayo ee Gobolka Nugaal. 


Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntand, Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Dujaana, iyo Madaxa Manaahijta, Nuur Ciiro, ayaa kulammo muhiim ah la qaatay Goodoomiyesha Waxbarashada Degmooyinka Hayland,  Degmada Dangorayo iyo  maamulayaasha dugsiyada Degmooyinkaas.



Ujeeedka kormeerka ayaa ahaa wacyigelinta manhajka dugsiyada sare ee Puntand iyo sidii ay u dhaqangalin lahaayeen maamulka, macallimiinta iyo ardayda dugsiyada sare ee Puntland sannad-dugsiyeedka cusub.


Manhajka cusub ee lagu tijaabinayo dugsiyada Puntland sannadkan ayaa si habsami leh ay wacyigelintiisu uga socotaa dhammaan gobollada Puntland. 


Deegaankeenna waa markii ugu horraysay ee uu diyaarsado manhaj goonni u ah. Manhajkii cusbaa ayaa maanta maraya maalmihii la isbarayay macallimiinta dugsiyada lagu tijaabinayo oo degmo walba iyo magaalo walba ay ku jiraan.


Tijaabadan wixii ka danbeeya, waxaa xiga in la saxo cilladaha kasoo baxa tijaabada, waxaana lagu baahin doona dhammaan dugsiyada oo dhan.