Faahfaahin

Waa Soonkii Saddexaad ee Roobka Gu’gu ka da’o degmada waana qayb ka mid ah raxmada Eebe waana in lagu shukriyaa nimco walba.


Degmada waxa hoostaga tuulooyin badan kuwaas oo ay ka jireen ABAAARO daran.


Waxa ay biyaha ka dhaansan jireen ceelka Kal-iyaxeedee ku yaala degmada, taasina waxa ay sababi jirtay in gaawaari badan yimadan ceelka kuwaas oo ka kala yimaada tuulooyinka lana sugo ceelka mudo 2saac ah.


“Maanta oo ay tahay Maalin Ciid ah waxaa degmada ka da’ay roob fiican kaas oo na qaboojiyay waana roobkii labaad oo na qabta shalay iyo maantaba “


Sidaas waxaa yiri mid ka mid ah odayaasha degmada Dangorayo.


Cimilada Dangorayo waxey ubadan tahay qalleyl iyo qalleyl-xigeen ,celceliska heerkul maalmeedkuna u dhaxeeyo 19 - 35 (degree Celsius) .

 

Helitaanka roobka Dangorayo waxaa saamayn ku leh Jooga dhulka.


Dabeecadda Dhul-daaqsimeedka

Noocyada dhul -daaqsimeedka ay leedahay degmada Dangorayo, Marka loo eego dabeecada juqraafi , waxaa ka mid ah dhulka iyaxda.


Daaqa waxaa si wayn u saameeya abaaraha Daba-dheeraada  , roobabka oo marar la helo, mararna la waayo iyo daadadka biyaha.

Waxayna sababaan xaalado aan wanaagsaneyn .


Ugu dambeyntii waxaan idin leenahay Eid Muubarak dhamaantiin.


الحمدلله على كل شيء