Taariikhda degmada Dangorayo Qeybta 1aad.

Degmada Dangorayo


Magaca Degmadu Xagee ka yimi?

 wuxuu kayimi Magacu wuxuu ka kooban yahay Labo qaybood

Dan iyo Gorayo waxaana loola jeedaa :- 

Dan:  in ay tahay Dooxo, Goroyo: waa  xayawaanka goroyada ah, Macnaha magacana halkaas ayaa laga keenay, waana Dooxadii Goroyadu ku badnayd ama ay ku noolayd, waxaana loo bixiyay Dangorayo, halkaas ayuuna magaca Dangorayo ka yimid.


Degmada Dangorayo waxaa la'asaasay 1962 dii waana Degmada labaad ee Gobolka Nugaal waxaa asaasay oo degay markii u horreysay 

1- Siciid  Aw Nuur (AUN)

2- Xaaji Axmed Farajar (AUN)

3-Barni Xaaji Xuseen ( AUN)

Shakhsigii u horreeyey oo ku dhashay wuxuu noqday Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Ex Wasiir Ahmed Said Nuur.


Degmada Dangorayo waa mid kamida meelaha ugu qaboow Soomaaliya. 

Dadka ku nool Degmada waxaa lagu qiyaasaa 6000 kun.

 waxaa dhinaca Galbeed kamara Togga Bilcil oo Biyihiisu ku xiran yihiin Xilli Roobaadka .Degmada waxaa hoos taga Tuulooyin kor u dhaafaya Labaatan Tuulo

Degmada Dangorayo waxaa soomaray Lix Gudoomiye 

1-Cali Xaaji Maxamed (AUN)

2- C/qaadir Kaarshe Caduur (Khuruuf) (AUN)

3- Mursal Yusuf Maxamuud 

4- C/raxmaan Xaaji Ciise Xayrdaac 

5- C/qaadir Siciid C/raxmaan (Cukaash)

6- Mukhtaar C/raxmaan Xaaji oo ah Duqa hadda talada Degmada haya.


Arimaha Aminga

Amniga Degmada ayaa ah mid wanaagsan oo la isku hallayn karo 

Degmadu waxay leedahay Saldhiga labaad ee Gobolka Nugaal waxaana u dhamaystiran qalabkiisa sidoo kale Degmadu waxay leedahay

Kantarool qeyb wayn ka qaata Sugida Amniga Magaalada iyo guud ahaan Puntland.

Taliska Booliska Magaalada ayaa dhowr jeer gacanta ku dhigay Dad iyo Gawaari Amniga liddi ku ah   taasoo ay Dawlda Puntland abaalmarin uga dhigtay Dallacsiin iyo Bilado.


Lasoco qeybta labaad oo xiiso gaar ah leh.