Wasarada

 Waxaa la soo gabagabeeyey tartan aqooneed dugsiyada sare ee Puntland u socday, kaas oo soo bilowday bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo kama danbaystiisii lagu qabtay hoolka jaamacadda Bariga Afrika - faraceeda Garowe.


Xiritaanka "Tartan iyo  Tacliin" ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasiiro Xukuumada Puntland,  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Xlidhibaannada dowladda Punland, culimada, maaamulaha guud ee jaamacadda Bariga Afrika - faraceeda Garowe,  dalladda waxbarashada Puntland, maayarka degmada Dangorayo, Guddoomiyaha Waxbarashada degmada Dangorayo, shirkadaha gancsiga ee Golis iyo Salaama Bank, maamulka warbaahinta radio Daljir, maaamulayaasha dugsiyada, macallimiin, arday, waaliddiin iyo marti sharaf kale oo badan.


Intii ay munaasabaddu socotay ayaa hambalyo iyo bogaadin loo diray shirkadihii iyo warbaahintii fududaysay tartankan u dhexeeyey dugsiyada Puntland.

Ugu danbayn, Wasiir-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland, ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Axmed Ibraahim Cawaale, ayaa ardayda iyo guddigii barnaamijka "Tartan iyo Tacliin" guddoonsiiyay abaalmarinno kala duwan oo isugu jira lacago iyo shahaadooyin sharaf  iyo alaabo kale, kadibna Wasiir-dowlaha ayaa dardaaran usoo jeediyay ardayda la abaalmariyay, isagoo sheegay in dhammaan ardayda looga baahanyahay dadaaal, gaar ahaanna gabdhuhu ay sii labo jibbaaraan dadaalkooda waxbarasho.


"Soo saarista jiil waxbartay waxay inooga baahantahay dadaal, iskaashi & wadashaqayn dhammaan qaybaha bulshada ah."